Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey ee Xil Ka Qaadis Lagu Samaynaayo Taliyaha Ciidanka Xooga...

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Xil Ka Qaadis Lagu Samaynaayo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Odawaaa

0

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeesanayay wararka sheegaya in suurto gal tahay in xilka si deg deg ah looga qaado taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ku fashilmay hoggaaminta ciidanka.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa khasaaro badan kasoo gaaray howlgaladii ugu dambeeyay ay ka wadeen gobolka Galgaduud, waxaana guul darrooyinka qaar ciidamada soo gaaray sabab looga dhigay hoggaan xumida jeneraal Odawaa Yuusuf.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu go’aamiyay in xilka ka qaado Jeneraal Odawaa Yuusuf , waxa uuna madaxweynaha muddooyinkii dambe waday latashiyo uu ka yeelanayay cidda lagu bedeli lahaa Odawaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suurto gal tahay in Taliye Odawaa maanta xilka looga qaado shirka golaha wasiirrada , halka wararka qaar sheegayaan in Odawaa xil ka qaadistiisa dhaceyso marka madaxweyne Xasan Sheekh kasoo laabto dalka Uganda.

Khuburada dhinaca amniga ku xeel dheer ayaa aaminsan in la joogi xilligii jeneraal Odawaa meesha laga saari lahaa, waxa ayna tilmaameen in hoggaaminta howlagalada Al Shabaab dalka looga saarayo ku wacan yihiin in la helo taliye cusub oo howlkar ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous article55 Qof Oo Ku Geeriyootay Doon Ku Degtay Xeebaha Liibiya
Next articleKooxda Wagner oo Ku Biirtay dagaalka ka socda Sudan iyo Mareykanka oo ka hadlay