Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey ee Puntland Maxaa kasoo Kordhay Khilaafkii Deni iyo Karsh(Xog)

Wararkii ugu Danbeeyey ee Puntland Maxaa kasoo Kordhay Khilaafkii Deni iyo Karsh(Xog)

0

Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Axmed Karaash ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii uu Karaash sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis.

Axmed Karaash ayaa waxa uu xilka ka qaaday wasiiro aad ugu dhowaa Saciid Deni, isaga oo aan shaacin xil ka qaadistooda, waxaana ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, maaliyada iyo amniga.

Madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho, islamarkaana ku howlan ololaha doorashada madaxweynaha ayaa si adag uga horyimid tallaabadaas uu qaaday Axmed Karaash oo uga sii dartay xiisada.

Waxaa billaabatay waan-waan cusub, ayada guddi ka kooban dhowr iyo toban xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ay magaalada Bosaaso kula kulmeen madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Puntland, si ay xal ugu gaaraan khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Deni.

Maxamed Axmed Cabdi Xaraf oo kamid ah xubnaha xildhibaannada ah ee la kulmay madaxweyne ku-xigeenka ayaa BBC-da u sheegay inay kala hadleen Axmed Karaash in Puntland tahay baarlamaani, islamarkaana arrimaha jira hoos loo dheemayo uuna madaxweyne ku xigeenku ku laabto magaalada Garoowe.

“Is-hayntu waxay koley ka timid shaqada socota khilaafyo salka ku hay Dastuurka Puntland-na waa baarlamaani guddiga yaguna wuxuu ka yimid talo baarlamaanku ku yeeshay Garoowe waxaana sheegayaa in arrintu hadda aad u wanaagsan tahay”. ayuu yiri

7-dii bishaan ayey aheyd markii Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan uu rajo xumo ka muujiyey dadaalo lagu doonayey in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul oo la rumeysan yahay inay ku lug leedahay Villa Somalia.

Abuukaate Cabdicasiis ayaa sheegay inay Deni iyo Karaash labadaba qadka taleefoonka ku wada-hadleen xiligaas, kana aqbaleen in baarlamaanka bilaabo dadaallo lagu xalinayo khilaafka iyadoo loo marayo hab waafaqsan sharciga iyo mid siyaasadeedba.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku eedeeyey inuu xagal daaciyey dadaaladii socday ee uu waday Baarlamaanka, kadib markii uu xilka ka qaaday saddex kamid ah wasiiradda Puntland iyadoo uu wada-hadalku socdo, taasi oo uu sheegay inay fashilisay howshii ay wadeen.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay Karaash u adeegsaneyso si ay ugu dhaawacdo musharaxnimada Saciid Deni, waxayna xogaha sheegayaan in madaxweyne ku-xigeenka uu weli ku guuleysan la’yahay inuu gacanta ku dhigo maamulka Puntland.

Waxyaabaha Saciid Deni ka saaciday inaan weli lagala wareegin awooda maamulka Puntland ayaa waxaa kamid ah inuu gacanta ku heysto guddoonka Baarlamaanka maamulkaas oo qaarkood ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan ololahiisa.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan wax ka yar toddobaad, wuxuuna Saciid Deni qorsheenayaa inuu dib ugu laabto Garoowe haddii uu waayo kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Xildhibaanada Jubaland laga Soo Doortay Digniin Culus Siiyay
Next articleUkraine oo Hubka Maraykanka u Qaadan karta amaah ama kiro.