Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey ee Askar Badan ku Dhimatay Duleedka muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey ee Askar Badan ku Dhimatay Duleedka muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Carafaat, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay ka socdeen askar ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamullada degmooyinka Balcad iyo Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gaariga rogmaday ayaa ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna ku sii jeeday dhanka degmasa Balcad, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in shilkan ay ku dhinteen ugu yaraan 6 askari oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii saldhigga booliska degmada Warsheekh oo lagu magacaabi jiray Cali Shaal Maxamed.

Sidoo kale waxaa falkan ku dhaawacmay ugu yaraan 5 askari oo kale oo la socday gaariga gadoomay oo ahaa nooca dagaalka, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan shilkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa shilalka ay kusoo badanayeen laamiga isku xira Balcad iyo Muqdisho oo dhawaac lagu sameeyay dib u dayactir, waxaana loo sababeynayaa darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiida marka ay isaga kala gooshaan labadaasi magaallo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ku badan shilalka gaari, kuwaas oo sababa khasaaraha ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca, maadaama aysan jirin isla xisaabtan dhab ah iyo shuruuc lagu hago gaadiidleyda dalka.
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Bilo kadib la wareegay Ruunirgood
Next articleXasan Shire Abgaal oo oo jawaab adag ka Bixiyay shirkii jaraa’id ee uu qabtay madaxweynaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here