Home Wararka Somaliya Jubbaland Wararkii Ugu danbeeyey Duqayn Culus oo alshabaab lala Beegsaday

Wararkii Ugu danbeeyey Duqayn Culus oo alshabaab lala Beegsaday

0

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo maanta ka dhacday deegaan hoostaga gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Yaaq-dabeel ee gobolkaasi.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la duqeeyay ay abaabul xoogan iyo uruusi ka wadeen halkaasi, kadibna sidaas lagu duqeeyay.

“Hawgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka oo dhacay deegaanka Yaaq-dabeel ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu beegsaday koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulayay deegaankaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Goobtaas waxaa lagu dilay 7 kamid ahaa maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Weeraradan ayaa qayb ka ah gulufka ay waddo dowladda dhexe ee lagu doonayo in lagu soo afjaro kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo kamid ah dalka.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo war culus ka soo saartay howlgal lagu laayey saraakiil Shabaab ah
Next articleWararkii ugu dambeeyay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here