Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Duqayn Culus oo Alshabaab lagb Laayay oo Ka dhacday...

Wararkii Ugu Danbeeyey Duqayn Culus oo Alshabaab lagb Laayay oo Ka dhacday Koonfurta Gobalka Mudug

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan ay ka dhacday gobolkaasi, taas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa lagu soo warramayaa inay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, ayna ka dhacday inta u dhexeysa Caad iyo Jeex-Jeexa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in duqeynta si gaar ah loola bartimaameedsaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla halkaasi, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in goobta lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, balse ma caddeyn tiradooda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay cagta mariyeen difaacyadii Al-Shabaab ee aagga Jeex-Jeexa oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen howlgallo culus.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegataya dowladda Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Shabeelow oo dhaca koonfurta gobolkaasi, kadib weerar ay soo qaaday kooxda.

Galmudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan dagaallada ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

Ad
Previous articleWaa kuma Muxudiin Daqarre ee Kasoo Jeeda Galmudug ahaana Gacanyarihii Hoogaamiyaha Alshabaab ee Shalay Gacanta Lagu Dhigay?
Next articleWasiir ka tirsan Israel oo eedeyn yaab leh u jeediyey Biden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here