Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.
Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga jawaabo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab iyo in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hortagga iyo ka dabataga saameynta la filayo ee duufaanta El-Nino.
Sidoo kale waxa ay isku raaceen in dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.
Guddoomiye Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday dajniraha inay gacan ka siiyaan ududeynta kulamo doceedka hay’adaha dhigeenna ee dunida marka la gaaro shirka COP28 oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo aaddan.
Dhankiisa Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ballan-qaaday u howl-galidda qodobbada laga wada-hadlay, wuxuuna xusay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo mari doono hay’adda Maareynta Musiibooyinka