Home Wararka Maanta Mareykanka oo kordhiyay lacagaha saaran madaxa C/llaahi Cusmaan Maxamed oo Al-shabaab ka...

Mareykanka oo kordhiyay lacagaha saaran madaxa C/llaahi Cusmaan Maxamed oo Al-shabaab ka Tirsan

0

Mareykanka ayaa kordhiyay lacagaha saaran madaxa C/llaahi Cusmaan Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsan Farsamada Qaraxyada, sidoo kalena waa Madaxa qeybta Warfaafinta Al-kataa’ib waxaana loo yaqaanaa Al-shabaab dhexdooda Injineer Ismaaciil ama Dhegacadde.

Lacagta madaxiisa dulsaaran ayaa la gaarsiiyey illaa shan milyan oo dollar.

C/llaahi Cusmaan Maxamed ayaa horay uga badbaaday weerar Ciidan Soomaali iyo kuwa Mareykanka ku qaadeen sanadkii 2020 deegaanka Gendershe oo u dhow Xeebta Jazeera, howlgalkaas oo aan lagu guuleysan waxaa ku dhintay Sarkaal Mareykan oo dhaawac ahaan u geeriyooday maalmo kaddib.

C/llaahi Cusmaan Dhegacadde oo horay qeybta Farsamada uga soo shaqeeyay Xafiiska Telefishinka Al Jazeera ee Muqdisho sanadihii 2005 illaa 2009, hadda waa mid ka mid ah ragga loogu doon doonista badan yahay hoggaanka AS.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraadka oo isku raacay in laga jawaabo laba arrin
Next articleXukunka Darawalkii lagu Qabtay Bustaha Gabaadka Diyaaradaha ee Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here