Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Naxdinta Lahaa ee Goordhow Loo Gaystay Ustaad……

Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Naxdinta Lahaa ee Goordhow Loo Gaystay Ustaad……

0

Nin Macalin ah oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Macloow Abiikar ayaa Goordhow lagu dilay Gudaha iskuul ku yaalla Dagmada Wadajir ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Ex-garaashkii Muuse Suudi duhurnimadii maanta.

Waxaa Dilka geystay Wiil bajaajle ah oo la sheegay in Walaashiis ay ka mid tahay Ardayda Schoolka dhigata sida dad goob joogayaal ah sheegayaan

Wiilka Falkan geystay ayaa Toorey u adeegsaday Dilka Macalinka waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta dilkan keentay.

Qaar ka mid ah ardayda iskuulka ayaa sheegay in dilkan uu yimid ka dib markii ninka dilka geystay ay walaashiis u soo dacwootay, iyadoo cabasho ka ah macalinka oo la sheegay inuu Iskuulka ka eryey qaladaad ay gashay awgeed, una diray iney keento waalidiinta dhashay.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaaliya oo 60 sano ah ka dib ka doodaya Dhammeystirka Dastuurka Soomaaliya
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dilka Dhacay Gaalkacyo iyo ninkii Dilka Gaystay oo Gacanta Lagu dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here