Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dilka loogaystay Cabaas Osman Abshirow

Wararkii ugu Danbeeyey Dilka loogaystay Cabaas Osman Abshirow

0

Kooxo hubeysan oon heybtooda la garan ayaa xaafada Fayuuma ee degmada Afgooye ku dilay nin shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilkan aad uga naxay dadkii aadka u yaqaanay ninka la dilay.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabaas Osman Abshirow ayaa la sheegay in uu ahaa nin darawal ah oo ka shaqeeya baabuurta tagaasida ah, waxa ayna dadka yaqaan tilmaameen in uu ahaa nin shacab ah aan ku lug laheyn siyaasadaha is diidan.

Ciidanka booliiska degmada Afgooye ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidanka sameeyeen baaritaano ku aadan dilkan iyo ciddii ka dambeesay oon wali la aqoonsan goobtana ka baxsatay.

Dilka ninkan loo geestay ayaan sidoo kale jirin cid sheegatay masuuliyadiisa, waxaana aad uga naxay dilka inta badan dadkii ninkaasi yaqaanay ,kuwaa oo tilmaamay in uu ahaa nin wannaagsan oo laga nabad galo.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal loo geestay dad shacab ah ay ku jiraan odayaal, waxaana dilalkaasi qaarkood sheegtay kooxda Al Shabaab.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku Xigeenka Soomaaliland oo Si layaab leh uga Hadlay Wixii jimcihii ka Dhacay Goojacade
Next articleWar Deg Deg ah:Taliyihii Nabad Sugida Degmada Dooloow oo la Dilay iyo cidii Dishay oo Gacanta lagu Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here