Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Ka Dhacay Shabeeloow iyo Halka Haatan...

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Ka Dhacay Shabeeloow iyo Halka Haatan lakala Joogo

0

Dagaal Culus ayay Saakay ciidamada Dowladu iyo kuwa Deegaanku Ku Qaadeen Aaga Deegaanka Shabeeloow Dagaalka Oo Dhacay saakay Galin kii Hore ayaa markii Hore loogu Daatay Godad iyo Howd Alshabaab ku Dhuumanaayeen.

Alshabaab ayaana Dagaal Kala Hortagay Ciidamadii Huwanta ahayd ee Weerarka Soo Qaaday Ciidamada Darawiishta Galmudug Gaar ahaan kuwa Beesha Sacad ayaana La sheegay in Laga Dilay 7 Askari kuwaas oo Uga soo Tagay Goobta Lagu Dagaalamay.

Dagaal Culus oo Rogaal Celis oo ay Qaadeen Ciidamada Darawiishata Galmudug iyo Kuwa Deegaan ayaa Marakle ka Qarxay Howdkii Saakay lagu Dagaalamaya Dagaal Qaatay Sadex Saacadood oo Xariir ah ayaa la Xaqiijiyay in Alshabaab Dhowr Saldhig laga Saaray.

Ciidmada Dowlada ayaana Ku Guulaystay inay Soo Qaataan Maydka Saakay inkastoo La wayay laba Kamid ahaa Maydadkii Taas oo loo malaynaayo inay Alshabaab Qaateen labada Qof ee la wayay ayaa kala Ah Xog Hayihii Degmada Gaalkacyo oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Qani Afyare iyo Taliyhii Xasilinta Galmudug iyo Puntland ee Dowlada Federaalaka oo lagu magacaabi jiray Cali naasir kaas oo Ku dhintay Dagaalkii Saakay.

Khasaaro Ba,an ayaana Ka dhashay Dagaalkaan Tirada Dad ka Geeriyooday Dhanka Dowlada ayaa ku Dhow ilaa 40 Qof kuwaas ay ku jiraan Xogyihii Galkacyo Gudoomiyihii Bajeela Taliyihii Xasilinta Galmudug iyo Puntland.

Dhaawacyada Ayaa La xaqiijiyay inay kabadanyihiin 50tameeyo Ciidamada Dhawaacmay waxaa ka mid ah Taliyhii Beesha Surre kaas oo lagu magacaabi jiray Caano boore oo Haatan loo Qaaday Muqdisho Diyaarad khaas ah ayaana Ka Qaaday Goobta Dagaalka Sidoo kale Dhaawacyo iyo Maydad ayaa la Gaarsiiyay  Degmada Wisil

Ciidamada Dowlada ayaana Haatan kusoo Laabtay Goobtii ay Saakay ka Qaadeen Dagaalka Majiro Wax Dagaal ah oo Haatan Socda waana Dagaalkii ugu Khasaadaha Badnaa ee ka Dhaca koonfurta Mudug.

 

 

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleDagaal Culus oo lagu Riiqmay oo Wali kasocda Howdka Shabeelow iyo Masuuliyiin Culus oo ku Geeriyooday
Next articleXiliga ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya oo la Shaaciyay