Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey dagaal xooggan oo ka dhacay Diinsoor

Wararkii Ugu Danbeeyey dagaal xooggan oo ka dhacay Diinsoor

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda oo garab ka helay kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin halka loo yaqaano xero koowaad, kadibna waxaas sidaas ku qarxay dagaalka.

Ilo deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka uu socday muddo saacad ku dhow, ayada oo si weyn loo maqlayay dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda illaa iyo hadda inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana goobaha lagu dagaalanay ay weli ku sugan iyihiin ciidamada ammaanka.

Waxa kale oo ay saraakiishu sheegeen in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan xubnaha weerarka soo qaaday oo lasoo wariyay inay dib u laabteen.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gudaha iyo agagaarka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli todobaad kawasiiro ka socda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ay gaareen degmada Diinsoor, ayaga oo u tegay abaabulka dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, balse weerarkan ayaa hadda dhacay

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo kala duwan oo gaysta khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac.
Ad
Previous articleMid ka mid ah Macalimiintii Jaamacada Umada oo ku Biiray Alshabaab
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya Lana Wadaagay Xog Xasaasi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here