Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Wali Kasocda aaga Saaxa Qurun iyo Gaadiid Dagaal...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Wali Kasocda aaga Saaxa Qurun iyo Gaadiid Dagaal oo lakala Gubay

0

Dagaal Culus oo Saakay Aroortii ka qarxay aaga Saaxo Qurun Gaar ahaan Meel U dhaxaysa Bandiiradleey Iyo Galdogob ayaa Wali Kasoconaaya Halkaas Dagaalkaan ayaan U dhaxeeya Beelaha Sacad iyo laylkase.

Dagaalka oo Daqiiqadba Daqiiqada Kadanbaysa Sii Xoogaysanayaa Ayaa La xaqiijiyay inuu Durbadiiba Ka dhashay Khasaaro Culus Beesha Sacad ayaa Ilaa Hadan Dad ku dhow 10 La xaqiijiyay inuu Ku dhinteen iyo Dhaawac intaas kabadan.

Halka Beesha laylkase oo Xooga Difaacyadoodii Laga sikiyay lagaarsiiyay Khasaaro badan Dhanka kale Gaari nooca Beebaha ah ayaa la Xaqiijiyay in laga Gubay Beesha Laylkase waana Meesha Khasaaraha badan uu ka dhashay Kadib Markii Gaarigaan uu God Uga Dhacay Beesha Laylkase.

Dhanka kale Ciidamo Kasoo jeeday Beesha Majeerteen kana Baxay Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo gurmad ahaa  ayaa Waxaa Dagaal Culus Ku qabsaday Taarago oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Katirsan Beesha Sacad kuwaas oo loogu Talagalay inay Celiyaan Gurmadka kaimanaaya Gaalkacyo.

Dagaal Saacad ku dhawaad kasocday Halkas ayaa Ciidamadii ka baxay Gaalkacyo Waxay Dib ugu laabtaan Gaalkacyo Khasaaro Kale ayaana La sheegay inuu kala Gaaray labada Dhinac ee Halkaas ku dagaalamay.

Dagaalka Maantay ayaa ah kii Ugu Culsaa oo Dhexmaraaya Beelaha Laylkase iyo sacad kaas oo Laisku adeegsanaayo hub aad u culus oo laga maqlaayo Magaalooyin Fog Fog.

Ad
Previous articleR/Wasaare ku-xigeenka oo guddoomiye ugu yeeray Firdhiye iyo caro ka dhalatay
Next articleDowlada Itoobiya oo War kasoo saartay Amarkii Dowlada ee ahayd in Ciidamada Itoobiya Dalka ka baxaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here