Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Wali Ka Socda Magaalada Laasacaanood

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Wali Ka Socda Magaalada Laasacaanood

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro madaafiic ah oo markale maanta lagu duqeeyay xaafadaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay weli isku hayaan ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan oo lagu eedeeyay ciidamada Somailand ay ku dhaceen bartamaha magaalada, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan illaa 1 qof ayaa ku dhintay duqeyntan cusub ee lagu garaacay Laascaanood, waxaana jira dhaawacyo kale oo ka dhashay madaafiica ku dhacday halkaasi.

Sidoo kale waxaa ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray dhismayaal iyo guryo ay dagaanayeen dad shacab ah, kuwaas oo madaafiicdu ku dhaceen.

“Guryaheena ayaan ku jirnaa, cunno la’aan ayaa jirto, waxaana la xiray goobihii ganacsiga, shaqo ma jirto oo waxaa intaas inoo dheer duqeynta xooggan ee ku dhaceysa xaafadaha magaalada Laascaanood, waxa aan alle weydiisaneynaa in uu xal nabadeed inoo keeno,” ayey tiri Haweeney kamida dadka tirada yar ee ku haray gudaha magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Jimcihii shalay duqeymaha ka socda Laascaanood ay ku nafwaayeen illaa 8 qof oo rayid ahaa, kuwaas oo ay madaafiicda ugu tegtay xaafadahooda.

Dhanka kale waxaa hakad-galay dagaalkii tooska ah ee maalmhan ka socday Laascaanood, intastoo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleNin hubeesan oo toogasho ku dilay xaaskiisi hore iyo dad kale oo daris la’ ahaa
Next articleGaari Xamuul oo laga helay meydadka Tahriibayaal badan oo kusii jeeday Yurub (Sawirro)