Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal qaraar Oo ka Socda Duleeska Laasacaanood

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal qaraar Oo ka Socda Duleeska Laasacaanood

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo haatan ka socda dhanka bari ee duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa ka socdo aagga deegaanka Maraaga oo hoos yimaada magaalada Laascaanood oo ay muddo ku dirirayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu maanta uu ka dhashay kadib weerar ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen fariisinm ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.

Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku hoobaneysa aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay, isla-markaana maqlayaan daryanka hubka culus.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku diriraya halkaasi.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleAlshabaab oo Sheegtay Masuuliyada Dilka Muuse Maxamed Rooble
Next articleErdogan oo mucaradkiisa ku tilmaamay kuwo isku dhex yaacay