Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Dagaal laisku Riiqmay oo Ka Dhacay Duleedka Xarardheere

Wararkii Ugu danbeeyey Dagaal laisku Riiqmay oo Ka Dhacay Duleedka Xarardheere

0

Faahfaahin Dheeri ah ayaa laga Helayaa Dagaal Culus oo laisku Habeensaday oo Ka Dhacay Baaragta Gatguurte oo Magaalada Xarardheere u jirta Qiyaastii 35 Km.

Dagaalkaan oo Ay Saakay Qaadeen Macawislayda Beesha Saruur ayaa Waxaa La Xaqiijiyay in Alshabaab iyo Dadka Deegaanku Isku Riqmeen Khaasaaro Culusna uu kala Garaay Dagaalka ayaana Markii Danbe Waxaa Ku Biiray Ciidamamda Gorgor ee Ku sugnaa Magaalada Xarardheere.

Sababta Dagaalka ayaana Lagu Sheegay Kadib Markii Alshabaab Laba Maalin Ka Hor Duleedka Xarardheere Ka Afduubteen ilaa Lix Qof oo Ahaa Dad xoolo Dhaqata Ahaa Kuwaas oo Alshabaab Sheegeen inay ahaayeen Basaasiin U shaqeeya Ciidamada Dowlada.

Beesha Saruur oo Raga La afduubtay kasoo Jeedeen ayaa Alshabaab ka Codsaday inay Soo Daayaan Dadkaaas Balse Alshabaab ayaa Arinkaas ka Biya Diiday.

Ciidamada Beesha Saruur ayaana Saakay Aroortii Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab ku sugna Degaanka Baraagta Garguurte.

Alshabaab ayaana Helay Gurmada Xoogan oo soo Gaaray intaas kadib Waxaa Xarardheere Ka Baxay Ciidamado Badan oo Ka Tirsan Kuwa Gorgor oo ka Garab Dagaalamay Ciidamada Beesha Saruur.

Alshabaab ayaana La xaqiijiyay in ay Ka Tageen in Ka Badan 33 Mayd ah halka Ay Dhaawacyadoodana Horay U qateen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Saruur ayaana Ku sugan Deeganadii lagu Dagaalamay.

Waana Dagaalkii Ugu Qararaa Oo dhaca mudo laga Joogo laba Biloow oo uu Hakad ku jiray Dagaalkii Alshabaab Looga Saari Lahaa Galmudug.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Xil U magacaabay Musharixii loo Rabay Madaxweyha Koonfurgalbeed
Next articleBeesha Sacad oo ku Baxay Dagaalkii Beelaha Cayr iyo Saleebaan oo Sababay in Dhuusamareeb lagu kala guuro(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here