Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargaysa

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargaysa

0

Somaliland ayaa faah-faahisay dagaal shalay buurta Naaso Hablood ee magaalada Hargeysa ku dhex-maray ciidanka Millateriga iyo shacab hubeysan.

Dagaalkan oo sidoo kale markale dhex-maray ciidamada Booliska Somaliland iyo kuwa millateriga ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu salka ku hayo muran dhuleed, kaasi oo qeybo kamid ah millaterigu ay dageen kadibna ay kusoo weerareen maleeshiyaad hubaysan oo dhulka sheeganaya.

Waxa uu shaaciyay in dagaalka ay ku dhinteen illaa 6 qof, oo askar iyo shacab iskugu jira.

“Niman shacab ah ayaa soo weeraray ciidankii halkaa deganaa, nin way ka dileen, nina way ka dhaawaceen, kadibna labada ciidanba way ku gurmadeen, markii dambena waxaa la isla gartay in ciidanka qaranka ku noqdo xeradiisa oo howsha loo daayo Booliska,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada Booliska Somaliland.

Dhinaca kale, Abaanduulaha Guud ee Miilateriga Somalilad Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Bullaale ayaa sheegay in dagaalka ay markii dambe kusoo biireen niman milateri ah, oo uu sheegay inay dhulka lagu muransan yahay sheegtaan.

Raggan milateriga ah ayuu sheegay inay weerar ku qaadeen ciidankii Booliska ahaa ee dhulka la isku haysto la geeyay, kadibna ay halkaasi ku dhinteen saddex askari.

Ugu dambeyntiina waxay si cad u sheegeen in arrinta dagaalka, askarta dhimatay, magtooda iyo aaskoodaba lagala soo xiriirayo oo keli ah xafiisyada labada ciidan, islamarkaana aanay shaqo ku laheyn beelo iyo odayaal toona, sida ay hadalka u dhigeen.

Deegaanada Somaliland ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dagaallo salka ku haya muran dhuleed, kuwaasi oo sababa dhimasho iyo dhaawac.
Ad
Previous articleShan qodob oo Khadiijo Maxamed Diiriye ay si la yaab leh uga hadashay
Next articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay inay Dishay Macalin Adan oo 10 milyan oo Dollar lagu Radinaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here