Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal ka Dhacay Duleedka Baydhabo

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal ka Dhacay Duleedka Baydhabo

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Weerarka oo lagu eekeeyay fariisin ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin waqooyiga magaalada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi, waxayna sheegeen inay iska caabiyeen dagaalka lagu soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaaca ka qaaday in khasaare ku gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa goobta lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta lgau dagaalamay ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgallo ka bilaabay duleedka magaalada Baydhaba.

Weerarkan iyo dagaalka xigay ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay aad loo adkeeyay amniga Baydhaba, kadib amaro ay soo rogeen laamaha amniga magaaladaasi.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Qaraaraa ee ka dhacay Duleedka Caad iyo Ciidamada Dowlada oo Hareereeyey….
Next articleMucaaradka Puntland oo war culus kasoo saaray go’aanka ay SSC uga baxeen Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here