Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal ka dhacay Degmada Maxaas

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal ka dhacay Degmada Maxaas

0

Warrarka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka dhacay tuulada Bukure oo qiyaastii 60 km u jirta degmada Maxaas. Ciidamada Dawladda oo ay tageerayaan miliishiyooyin deegaanka ah ayaa saaka salaaddii subax kadib weerar ku qaaday saldhigyo ay fadhiyeen xooggaga Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in 19 ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay duulaanka ay saaka qaadeen ciidamada Dawladda, isla markaana ay qabsadeen tuulada Bukure. Gudoomiye Muumin waxa kale oo uu sheegay in dhankooda ay dagaalka uga dhinteen labo askari.

In dhawaalaba deegaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne waxa ay dagaallo goosgoos ah ku dhexmarayeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Dawladda oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, tobannaan qof ayaana lagu dilay dagaaladaasi.

Al-Shabaab oo iyana ka hadashay dagaalka Bukure ayaa sheegtay in iska caabiyeen ciidamada Dawladda isla markaana ay ka dileen 4 askari, dhaawaceenna 14 kale.

Illa hadda ma jirto illo madaxbannaan oo xaqiijiniya sheegashooyinka kala duwan ee labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray.

 

 

Ad
Previous articleQM, Soomaaliya waxaa ku kordhay kiisaska shuban-biyoodka
Next articleRa’isul Wasaare Xamza oo goor dhaw ku dhawaaqay Golaha Wasiirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here