Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Maalintii 5naad kasocda Laasacaanood

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Maalintii 5naad kasocda Laasacaanood

0

Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday duleedka magaalada oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hakad kooban galay shalay gelinkii dambe uu haddana dib u qarxay saaka, kadib markii ciidamada hubeysan ee deegaanka ay weerareen saldhigyada ciidamada Somaliland ee duleedka magaalada Laascaanood.

Dagaalka saaka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday iilaa saddex ruux oo labada dhinac ah, waxaana la sheegaya in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen magaalada.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii shanaad.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa dalbaday in si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed ay marka hore xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah.

“Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yiri guddoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Xog ay heshay Mudug24 ayaa sheegeysa in afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama uu weli socdo dagaalka

Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halka kuwa kalana la geeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.”

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleTirada Dadka Ku Dhintey Dhulgariiradii Turkiga Iyo Siiriya Oo Gaartay 20 Kun Oo Ruux
Next articleDhimashada Dhulgariirka Dalka Turkiga oo Mareysa 21,000 kun oo Qof