Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo ka Socda Suudaan ka hor wadahalada...

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo ka Socda Suudaan ka hor wadahalada maanta la filayo

0

Dagaal culus oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa weli ka socda caasimadda Suudaan ee Khartoum iyo magaalooyin kale ka hor wadahadallada xabbad joojinta ee maanta la filayo.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Suudaan ay duqeeyeen goobo ay dad rayid ah degan yihiin, halka ciidamada (RSF) ay qabsadeen hanti shacab.

Dhinacyada dagaallamaya ayaa Khamiistii saxeexay “inay diyaar u yihiin inay fulin doonaan waxa lagu heshiiyo”, ka dib toddobaad wadahadal ah oo ay dhexdhexaadinayeen Sucuudiga martida loo yahay iyo Maraykanka.

Wadahadallada xabbad joojinta ee u dhexeeya wakiillada dhinacyada dagaallamaya ayaa maanta dib uga bilaaban doona Jeddah.

Ad
Previous articleAlshabaab Weerer ku Qaaday Barkoontarool oo Gacanta Lagu Dhigay
Next articleWaa tuma gabadha Soomaalida ah ee noqonaysa Muslimaddii ugu horreysay ee garsoore kubadda cagata ah ka noqota UK?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here