Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Beledweyne

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Beledweyne

0

Warrarka laga helayo bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu ka bilowday tuulooyin ku yaala duleedka Koonfureed ee magaala madaxda gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo dhexmaraya ciidamada Dawladda oo ay taageerayaan miliishiyooyinka deegaanka iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa bilowday, kaddib markii xoogagga Al-Shabaab ay soo galeen dhul u dhaxeeya tuulooyinka Baar-dheere iyo Beerxaano ee koonfurta Beledweyne.

Ciidamo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ku baxay aagagga ay soo galeen Al-Shabaab ayaa keentay in uu qarxo dagaal culus oo labbada dhinac dhexmaraya illaa hadda.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo weriyay. Illo wareedyo madaxbannaan ayaa Warbaahinta u sheegay in labo ka tirsan ciidamada is garabsanaya ee dawladda iyo deegaanka ay dagaalka ku dhinteen, todobo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Deegaanka oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhawr iyo toban ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleAl-Shabaab oo toogatay shan nin oo uu ku jiro nin ay ku eedeysay inuu maleegay dilkii Dulyadeyn
Next articleCali Cabdullahi Cosoble oo soo saaray qormo cusub oo uu cinwaan uga dhigay “Puntland waa curad caasi noqotay”