Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo toogatay shan nin oo uu ku jiro nin ay ku...

Al-Shabaab oo toogatay shan nin oo uu ku jiro nin ay ku eedeysay inuu maleegay dilkii Dulyadeyn

0

Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galinkii dambe meel fagaare ah oo ku taala degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ku toogatay, shan nin oo ay ku eedeysay inay basaasiin u ahaayeen sirdoonnada Dawladda Federaalka iyo kuwa Maraykanka.

Shanta nin ee la toogtay oo da’doodu u kala dhaxaysay 25 illaa 41 ayaa midkood, waxa ay Xarakadu sheegtay inuu qirtay inuu masuul ka ahaa dilka hogaamiye sare oo kooxda ka tirsanaa oo la dilay bishii Juun sanadkii 2016.

Maxamed Dulyadeyn ayaa ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ay taageerayeen kuwa Maraykanka Koonfurta Soomaaliya.

Dulyadeyn ayaa la rumeysanyahay inuu ahaa masakaxdii ka dambeysay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee lagu dilay 148 qof sanadkii 2015 kii. Sidoo kale waxa la aaminsan yahay inuu maleegay weerarro kale oo ka kala dhacay gobolada Waqooyi Bari iyo gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninka ay toogteen ee ku eedeysan inuu masuul ka ahaa dilka Dulyadeyn uu u shaqaynayay sirdoonka maamul goboleedka Jubaland.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada iyo Dadka Deegaanka oo Weerar Saakay ku Qaaday Alshabaab
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Beledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here