Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Qarxay Degmada Luuq

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Qarxay Degmada Luuq

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo indhowanahaan ku dagaalamayay gudaha magaaladaasi.

Dagaalka ayaa mar kale dib uga bilowday duleedka degmada, waxaana maleeshiyaadka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka dagaalamaya oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay degmada Luuq, waxaana halkaasi ay ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka dhacay Luuq, iyada oo ay dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan, sida ay innoo sheegeen dad deegaanka ah.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana weli rasaas laga maqlayaa duleedka bari ee degmada luuq mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi.

Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo uu fashilmeen qodobadii kasoo baxay shirkii dib u heshisiinta ee beelaha dagaalamaya ku dhex-maray magaalada Kismaayo, kaas oo u goobjoog ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Colaaddan ayaa soo noq noqotay, waxaana beelaha dagaalamaya ay isku haystaan maamulka degmada iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay horay isugu gaysteen.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Sheegay inuu Diyaar uyahay inuu Qanciyo Deni iyo Axmed Madoobe
Next articleMusharixii Ugu Horeeyey oo Axmed Madoobe uga Digay Kismaayo Dhexdeeda