Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Xoogga iyo kuwa Burundi oo Howlgal Culus Qaaday

Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Xoogga iyo kuwa Burundi oo Howlgal Culus Qaaday

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa maanta ka dhaqaaqay degmada Balcad, ayaga oo isku fidiyay hareeraha magaaladaas oo ku taalla waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Ciidamada howlgallada wada ayaa waxaa horkacaya saddex xiddigle Xasan Cali iyo taliyaha Ciidamada Burundi Gaashaanle Ntakarutimana Thierry, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ATMIS.

Ujeedka ayaa ah in laga hortego weerarada ay halkaas kasoo abaabulaan Al-Shabaab, maadaama lagu jiro bisha Ramadaan.

“Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ee fadhigoodu yahay Saldhiga Ceelka Geelow iyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF), ayaa kordhiyey roondooyinka wadajirka ah ee ay ka sameeyaan degmada Balcad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, si ay uga hortagaan weerarada argagaxa leh ee ka dhanka ah shacabka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan’ ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ATMIS.

Sidoo kale waxa howlgalladan ee ay sida wadajirka ah u wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS lagu xaqiijinayo amniga waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo inta badan ay soo galaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Howlgalka oo ay hogaaminayeen Taliyaha Ciidamada Burundi Gaashaanle Ntakarutimana Thierry iyo 3 xidigle Hassan Ali, oo ka tirrsan ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale sugay ammanka wadada muhiimka ah isku xirta Jowhar iyo Muqdisho (MSR) ee Shabeelada Dhexe” ayaa mar kale la raaciyay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada wajiga koowaad ee dagaalka dowladda lagu jebiyay Al-Shabaab oo inta badan laga xoreeyay gobolkaasi.

Ad
Previous articleDagaal qaatay 40 Sacaadood inkabadan oo Lagu Qabtay Burcadbadeed Soomaaliyeed Markab Xoog ku Haystay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Howlgal Culus oo ka Socda Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here