Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyey Ciidamada Xasilinta Caasimada oo Howlgal Culus ka sameeyey Muqdisho

Wararkii ugu danbeeyey Ciidamada Xasilinta Caasimada oo Howlgal Culus ka sameeyey Muqdisho

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo culus ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalladan oo ay si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Booliska iyo kuwa xasilinta ee Boolis Milataaro ayaa waxaa laga fuliyay Heliwaa, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay isku fidiyeen xaafadaha saddexdaan degmo, ayna ka sameeyeen baaritaano saacado qaatay.

Inta uu howlgalka socday waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale ay weli su’aallo weydiinayaan laamaha amniga.

Ma jiro weli wax faah-faahin ah oo ay hay’adaha amniga ka bixiyeen howlgalladaas xalay ka dhacay degmooyinka y Heliwaa, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, balse saraakiil aan la hadalnay ayaa innoo sheegay in ujeedka uu ahaa amni xaqiijin.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in howlgallada ay sii socon doonaan, isla-markaana laga sameyn doono dhammaan degmooyinka kale ee ku yaalla gudaha caasimada.

Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, habeen kadib markii weeraro toos ah oo qaraxyo ku billowday ay Al-Shabaab ku qaadeen degma Kaxda, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Waxaa sidoo kale  ka horreeyay weerar kale oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo maalin kahor ka dhacay agagaarka isgoyska Ifka Xale ee Muqdisho.

Dhammaanka falalkan amni darri ayaa dhacaya, xilli ay dowladda Somalia iyo Al-Shabaab ay isku hayaan jiida hore ee dagaalka, kaas oo ay isku fara saareen labada dhinac.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleCiidamada Ruushka oo la Shaaciyay inay Shirqool ku Dileen Madixii Calshood ushaqaystayaasha ee Wagner
Next articleDiyaarad Dagaal oo Duqeeyey Guri Tacsi Lagu dhigaayay oo Ku yaala Galmudug