Home Wararka Maanta Diyaarad Dagaal oo Duqeeyey Guri Tacsi Lagu dhigaayay oo Ku yaala Galmudug

Diyaarad Dagaal oo Duqeeyey Guri Tacsi Lagu dhigaayay oo Ku yaala Galmudug

0

Wararkii ugu danbeeyey Diyaarado Dagaal oo saakay Duqeeyey Guri ay ka jirtay Tacsi islamarkaasna ay iskugu yimaadeen Dad farabadan Gurigaan oo ku yaalay meel udhow isgoyska Axmad Gaab oo u dhaxeeya Baraag shiikh Caamir iyo Ceel Hareeri ee Gobalka galgaduud.

Gurigaan ayaa waxaa ka jiray Tacsi waxaana isugu yimid Dadka Deegaanka oo Ka qaybgalaayay Tacsidaas Qof ka mid ah Dad kii kusugnaa Goobtaas oo warbaahinta lahadlay ayaa yiri waxaan aragnay Laba Diyaaradood oo sawiro naga qadaaya isla markaasna Falaash bixinyaa Kadib waxaan Kor utaagnay Gacmaha si aan u muujino inaanan Hub haysan.

wuxuu kaloo sheegay in markale diyaaradiihii kusoo laabteen waana kalala cararnay ayuu yiri Diyaaradaha ayuuna Sheegay in Hareeraha Gurigii ay ku dhufteen Afar Gantaal Balse qofna Waxba kuma noqan.

diyaaradaha Dagaalka ayaa Duqayn Culus Maalmaahaan oo dhan ka waday Deeganada Dagaalku Kasocdaan ee Galmudug Balse waa markii ugu Horaysay oo ay Duqeeyaan Guri Dad Shacab ah Daganaayeen.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey Ciidamada Xasilinta Caasimada oo Howlgal Culus ka sameeyey Muqdisho
Next articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo Goordhow Magacaabay Sadex Xubnood oo..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here