Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Huwanta oo Qarka usaaran Degmada Ceelbuur iyo Alshabaab...

Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Huwanta oo Qarka usaaran Degmada Ceelbuur iyo Alshabaab oo…

0

Ciidamada huwanta oo ka kooban Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhowaadeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa wax kayar 40 KM u jirsaday Ceelbuur waxayna haatan wadaan gulufkii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan inay gudaha ugu galaan magaaladaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug Cali Baashi Cabdulaalhi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqa haatan ka socda aagga Ceelbuur, wuxuuna sheegay inay ciidamada huwanta ay u dhaqaaqeen degmadaasi.

“Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya waxaa in muddo ah socday guluf howlgallo ah oo lagula jiray maleeshiyaad Khawaarijta, muhiimadda waxa ay aheyd in laga gacabn maroojiyo magaalooyinka ku haray gacantooda” ayuu yiri Cali Baashi Cabdullahi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saacadaha soo socda ay la wareegi doonaan guud ahaan gacan ku heynta degmada Ceelbuur oo uu sheegay inay tahay magaallo istaraatiiji ah.

“Ceelbuur waxay ka mid tahay degmooyinka ku haray gacanta cadowga insha allah waxaan rajeyneynaa saacadaha soo socda inaan ka fara maroojino istaraatiiji ah Ceelbuur waxay noqon doontaa degmadii ugu dambeysay oo aan gacanta ku dhigno” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dadka deegaanka ku amartay inay isaga barakacaay guud ahaa magaaladaasi, waxaana xalay iyo saaka laga dareemay qax ay sameynayaan dadka deegaanka oo u baxay deegaano u dhow Ceelbuur iyo agagaarkeeda.

Ujeedka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dooneyso inay shacabka gabaad ka dhigato, ayna la aadaan dhanka dhulka howdka ah ee gobolka Galgaduud, maadaama dagaalladii ugu xooganaa iyo duqeymio culus ay ku wajahan yihiin goobaha ay ka joogaan gobolkaas.

Si kastaba Shalay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne ee gobolka Galgaduyud.

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii
Ad
Previous articleLabasano kahor ayaa La Dhigay Tacsidiisa Xoolihiisana La Dhaxlay Balse asagoo nool ayaa Shalay la arkay Galmudug
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo laba Maalin oo Xariir ah kasocda Laasacaanood