Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Soobe Ku Dilay Mahdi Diiriye Aadan...

Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Soobe Ku Dilay Mahdi Diiriye Aadan Xili Amniga Muqdisho Faraha Ka Baxay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka geysteen laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal wade Mooto Bajaajle.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahdi Diiriye Aadan, waxaana toogasho ku dilay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wadada marayay, kadibna iska dhaqaaqay.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka uu ku dhowaaday gaariga ay saarnaayeen ciidamada, kadibna ay rasaas isaga reebeen, taas oo sababtay geeridiisa.

Allaha u naxariistee marxuum Mahad ayaa la daala dhacayay nolosha reerkiisa, wuxuuna deegaan aaa ku noolaa degmada Dharkenley, sida ay innoo sheegeen dad yaqaanay.

Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan ah mid aad kacsan, waxaana dilka wiilkan dhalinyarada ah ka dhashay caro dadweyne.

Dad badan oo shacab ah iyo darawallo ayaa isugu soo baxay Zoobe, illaa KM4 kuwaas oo dibad-bax cabasho ah dhigay, ayagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ciidanka dowladda.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi dhaliyay carada dadweynaha.

Dilalka loo geysto wadeyaasha Mooto Bajaajta ayaa soo badatay mudooyinkii dambe, mana jirto cid loo soo qabtay dilkooda, inkastoo dhowr askari la geeyay Maxkamadda Ciidamada.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleSoomaaliland oo Sheeegtay in Dagaalka looga saaray Laasacanood ay ka Qayb galeen Saraakiil iyo Taliyaal ka Tirsan CXD
Next articleMagaalada Laascaanood oo Dagaalo ka dhaceen Maanta, Somaliland oo war kasoo saartay dhankeeda