Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Caawa ku Hoyanaaya Duleedka Ceelbuur

Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Caawa ku Hoyanaaya Duleedka Ceelbuur

0

Ciidanka XDS iyo kuwa deegaanka ayaa caawa ku hoyanaya duleedka magaalada qadiimiga ah ee Ceelbuur, waxaana ciidanku maanta dagaal kooban kula wareegeen deegaanka DAC oo qiyaastii 17KM u jirta Ceelbuur.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saddex jiho ka kulaalaya Ceelbuur, iyadoo qorshuhu yahay in berri gudaha loo galo magaaladaas.

Magaalada Ceelbuur ayaa ka mid aheyd magaalooyinkii lagu qabtay howlgalkii Badweynta Hindiya ee muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo qeyb ka ahaayeen AMISOM, waxaana bishii March 2014 la wareegay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda oo is garab-sanay.

Hase ahaatee kooxda AS ayaa dib ula wareegay April 2017, markii ay ka baxeen Ciidanka AMISOM ee Itoobiya ka socday iyo ciidanka dowladda. Waxaa xusid mudan in 9 sano kaddib gulufka lagu qabanayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ay keli ku yihiin Ciidanka XDS iyo kuwa deegaanka oo iska kaashanaya.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleAlshabaab oo Dagaal Culus kusoo Qaaday Tuulo Hoostagta Ceelbuur oo Maantay Laga Qabsaday
Next articleMuxuu Putin ka yiri geerida Hoogaamiyihii Calooshood ushaqastayaasha ee Yevgeny Prigozhin?