Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Bilo kadib la wareegay Ruunirgood

Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Bilo kadib la wareegay Ruunirgood

0

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta oo Jimco aheyd gudaha u galay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah magaalooyinkii ay soo baneeyeen ciidamada qaranka.

Ciidanka ayaa caawa ku hoyanaya Ruun-nirgood, waxaana ciidamada qeyb ka ah kuwo deegaanka ah oo laga abaabulay Muqdisho iyo deegaanada ay degto beesha iska leh degmadaas, kuwaas oo ku socda qorshe looga baaqsanayo in mar dambe dib looga soo baxo Ruun-nirgood.

Ciidamada huwanta ah wax iska caabin ah kalama aysan kulmin kooxda Al-Shabaab oo si nabad ah ayey ku galeen degmada Ruun-nirgood, kadibna waxay galabta magaaladaas ka sameysteen fariisimo.

Markii la xaqiijiyo amniga degmadaas, waxay saraakiishu noo sheegeen inay u sii gudbi doonaan deegaanada kale ee ka maqan gacanta dowladda, waxaana Ruun-nirgood sii difaaci doona ciidan u badan kuwa deegaanka oo lasoo abaabulay.

Kooxda Al-Shabaab waxaa la sheegay in aysan joogin dhamaan degmooyinkii ay soo baneeyeen ciidamada dowladda, wixii ka dambeeyey markii uu dhacay weerarkii Cowsweyne, kooxda ayaa wixii maleeshiyaad ka joogay gobollada dhexe isugu geysay dalka ka socda koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga sagootiyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo maalmaha soo socda geli doona degmooyinka aan ku jirin gacanta dowladda ee Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

In Shabaab aysan joogin deegaanadii laga soo baxay waxaa xaqiijiyey ciidamo maalmo ka hor ka baxay Muqdisho, kuwaas oo safar dhulka ah ku tegay degmada Xarardheere.

Degmada Ceeldheer oo ugu weyn degmooyinkii laga soo baxay ayey sii mareen ciidamadaas, waxay joogeen maalin dhan, waxay ka fujiyeen calamadii ay derbiyada ku dhejisay kooxda Al-Shabaab, waxayna uga sii gudbeen degmada Xarardheere oo ay markii hore u socdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminaya qorshaha dagaal ee Soomaaliya looga xoreynayo argagixisada ayaa maalin ka hor ka soo laabtay safar uu dalka Eritrea ku tegay isagoo kormeeray ciidamada loo soo tababarayo dalka, wuxuu hadda ku soo laabtay Muqdisho, wuxuuna uga sii gudbi doonaa saldhigga uu dagaalka ka hoggaamiyo ee Dhuusamareeb.

Maalin ka hor Dhuusamareeb waxaa ka gudbay labo urur oo ciidanka Gor Gor ah, kuwaas oo Jimcihii maanta tegay degmada Baxdo, ciidankaas waxaa la sheegay inay xooji doonaan dagaalka ka socda koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo Shabaab-ka jooga gobollada dhexe uu awoodiisa isugu geeyey.

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo jeediyey khudbad xasaasi ah kana hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo kan kasocda Qaza
Next articleWararkii ugu Danbeeyey ee Askar Badan ku Dhimatay Duleedka muqdisho