Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada amaanka Oo Fashilayay Qarax iyo Ragii Watay...

Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada amaanka Oo Fashilayay Qarax iyo Ragii Watay oo Ku Dhintay

0

faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa mooto Bajaaj ay la socdeen saddex nin oo saaka ku qaraxday qaybo kamid ah gudaha degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in mootada ay xoog ku soo dhaaftay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla degmadaasi, balse ayada oo ay ceersanayeen ciidanka ammaanka ay ku qaraxday Waaxda General Daa’uud.

Sadiiq Doodishe ayaa sidoo kale xusay in laga hortagay weerarkan, isla-markaana qorshihii ay damacsanaayeen raggaan la fishiliyay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qaraxan ay ku dhinteen saddexdii nin ee watay mootada, sidoo kalena uu dhaawac fudud soo gaaray qof kale oo shacab ah oo waddada mararayay.

“Maanta 16/Apr/2023, abaare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday Waaxda Gen Daa’uud, dhartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabtay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe. Halka, qof muwaadin ah oo wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay “Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan agagaarka Haama-dhowr ama Isbilatka Yardimeli”

Dhanka kale taliska Booliska Soomaaliya ayaa intaasi kusii daray in haatan ay wadaan baaris ku aadan dhacdadaasi, isla-markaaana wixii soo kordha ay la wadaagi doonaan shacabka.

“Dhacadaasi waxaa ku bilowday baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda kala wadaagidoonaa” ayaa mar kale yiri Doodishe.

Saraakiisha ammaanka ayaa dhinaca kale farriin u diray dadka shacabka ah, waxayna ka dalbadeen inay la shaqeegaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca gudaha caasimada.

Fashilinta weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay la timid qorshe lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo qayb ahaan lagu wareejiyay ciidamo cusub oo ah Boolis Militaaro.

Ad
Previous articleDowlada Somalia oo war ka soo saartay dagaalka ka qarxay Khartuum
Next articleMadaale & Masuuliyiinta Amniga Gobalka Banaadir oo kormeeray degmooyin amni xumo ku caan baxay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here