Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Cabdirisaaq Mire Dhoore oo uga Danbayn Xoriyadiisa Helay

Wararkii ugu Danbeeyey Cabdirisaaq Mire Dhoore oo uga Danbayn Xoriyadiisa Helay

0

Wararka aanu ka heleyno magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ugu dambeyntii wariye Cabdirisaaq Mire Dhoore uu dib u helay xoriyaddiisa.

Dabley hubeysan ayaa ku dhowaad muddo todobaad ah duleedka magaalada Beledweyne afduub ugu haystay Cabdirisaaq, oo ah suxufi isla markaana la shaqeeya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dableyda afduubatay suxufigan ayaa la sheegay inay dabo taagnaayeen dilka nin horey looga dilay jufadooda oo qayb ahaan diyadii lagu xukumay aan la bixin.

Baaqyo kala duwan oo loo jeediyay dableyda afduubka gaystay iyo dedaal dheer kaddib, waxaa xalay lagu guuleystay in la so siidaayo Cabdirisaaq Mire.

Ad
Previous articleFerrier oo Doonaysay inay Sun Ku Disho Donald Trump oo Xukun Adag Lagu Riday
Next articleHowlgal Qorshaysan oo Alshabaab looga Dilay Dagalamaayal Badan oo Xalay Saqdhexe ka Dhacay..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here