Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Burcad badeedda Soomaaliya oo weerar cusub Qaaday Soona Afduubtay…

Wararkii ugu Danbeeyey Burcad badeedda Soomaaliya oo weerar cusub Qaaday Soona Afduubtay…

0

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa sii kordhiyay dhaqdhaqaaqyada ay dhowaan ka bilaabeen xeebaha Somalia & biyaha gacanka Cadmeed.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdu ay maanta qaaday weerarkii afaraad oo ay ku beegsatay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen.

Sida ay xaqiijiyeen hay’adaha ammaanka waxaa la waayey halka ay jaan iyo cirib dhigtay doontaan oo markii ugu dambaysay lagu arkay meel u dhow biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ururka Ganacsiga badaha ee UK (UKMTO) oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in la afduubtay doontan kalluumaysi ee ka timid Yemen.

Doonta oo lagu magacaabo Emerat-2 ayaa gacanta lagu dhigay xilli ay kusii jeeday  ku sii jeedday waqooyiga xeebaha Yemen, sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan maamul maxalli ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in doontaan lagu qafaashay meel qiyaastii 8 mayl dhanka waqooyi kaga beegan yahay degmada Eyl ee gobolka Nugaal ee Puntland, halkaas oo ah goobtii ay weeraradii kale ee budhcad-badeeddu ka soo bilowdeen horraantii Diecember.

Weerarkan waxaa ka horreeyay afduub markab yar oo ganacsi maalmo ka hore loogu gaystay meel u dhow xeebaha degmada Eyl, sida ay shaacisay  hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo burcad badeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha Puntland, balse ay haatan wadaan baaritaano.

Tani ayaa sii kordhineysa welwelka laga qabo in burcad badeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya.
Ad
Previous articleMid ka Mid ah enjineerada Hormuud oo Gaarigoosa Qarax loogu Xiray iyo Qarixii 13naad oo Hormuud lala eegtay
Next articleDuqaymo Culus oo lagu Garaacay Alshabaabkii Ku Sugnaa Koonfurta Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here