Ciidamada badda India oo howlgal culus qaaday ayaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida kasoo badbaadiyay shaqaale saarnaa markab ay Khamiistii lasoo dhaafay ku afduubteen meel ka baxsan xeebaha dalka Soomaaliya.
Markabka la afduubtay oo lagu magacaabo MV-Lila Norfolk ayaa ciidamadu waxa ay ugu tageen halka lagu xiray, kadibna waxay soo furteen shaqaalaha hadda lasoo badbaadiyay.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xilliga lasoo badbaadinayay shaqaalaha aysan markabka la joojin kooxdii afduubayaasha ahayd oo la rumeysan yahay inay baxsadeen, kahor inta aysan markabka dusha ka fuulin ciidamada badda ee waddanka India.
Markabka MV-Lila Norfolk oo ah mid xamuulka qaada ayaa ku socdaalayay calanka Liberia, xilliga weerarka lagu qaaday, wuxuuna ku jeedau dekedda Khalifa bin Salman ee Bahrain.
Tani ayaa sii kordhineysa welwelka laga qabo in burcad badeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya
Si kastaba, Dhacdadooyinka ayaa ku soo beegmaya iyada oo xaaladda ammaan ee Badda Cas sii xumaanayso, oo sidoo kale Xuutiyiinta Yemen ay bartilmaameedsanayaan maraakiibta ganacsiga ee kusii jeeda Israel, oo dagaal kula jirta ururka Xamaas ee Gaza.