Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Bandowga Lagu soo Rogay magaalada Xarardheere

Wararkii ugu Danbeeyey Bandowga Lagu soo Rogay magaalada Xarardheere

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in degmada lagu soo rogay bandow, kadib kulan ay yeesheen saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug.

Kulankan ay yeesheen saraakiisha amniga ayaa waxaa lagu go’aamiyay in habeenkii laga bilaabo lixda fiidnimo illaa waaberiga la joojiyay dhamaan isku socodka iyo dhaq-dhaqaaqyada bulshada.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada ku sugan gudaha degmada lagu amray inay ka baxaan oo ay ku laabtaan xeryahooda, marka laga reebo kuwa sida gaar ah ugu xil-saaran sugida amniga.

Saraakiisha amniga ee Xarardheere ayaa waxa kale oo ay go’aamiyeen in dadka kusoo laabanay degmada ee horay uga barakacay ama raacay kooxda Al-Shabaab inay soo maraan saldhiga booliska kahor inta aysan usoo gudbin gudaha degmada, si loo marsiiyo baaritaan amni.

Arrimahan ayaa looga dan leeyahay sidii loo xoojin lahaa amniga Xarardheere oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, oo ay marin muhiim ah u aheyd howlahooda argagixiso,

Tallaabooyinkan ay qaadeen saraakiisha amniga ayaa sidoo kale looga hortagaya weeraro gaadmo ah oo kooxda ay kusoo qaado degmada, si kal hore ka dhacday deegaano muhiim ah oo laga qabsaday.

Si kastaba, tan iyo markii uu dagaalka Al-Shabaab ka billowday deegaanada maamulka Galmudug, waxaa kooxda gacantooda ka baxay laba kamid ah saddexdii magaalo ee ugu waaweyna ee ay Galmudug ka haysatay waa Xarardheere iyo Ceeldheer.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleSheekh Shariif oo kahor yimid Qorshe uu Damacsanyahay Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleQM oo Soomaaliland Cadaadis Culus ku Haysa oo Ku aadan Dagaalka Laasacaanoood