Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho kuleh kulan aan Caadi ahayn

Wararkii ugu Danbeeyey Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho kuleh kulan aan Caadi ahayn

0

Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socda kulan xasaasi ah oo ay xarunta Villa Hargeysa ku leeyihiin xildhibaannada Golaha Shacabka, kaas oo looga doodayo arrimaha siyaasadda iyo sidoo kale go’aannada masiiriga ah ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa guddoominayo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ay hareero fadhiyaan labadiisa ku xigeen, waxaana goobjoog ah xildhibaano badan.

Ugu horreyn waxaa kulanka ka hadlay Sheekh Aadan Madoobe oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ejendaha kulanka maanta oo ka duwan kuwii hore.

“Ajendaha waa ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aannada masiiriga ah walaalayaal waxaa loola jeedaa maadaama doodda dastuurka ay furan tahay in sida uu ku imaan karo wax ka beddelkiisa laga wada watasho qaabkii loo jiheyn lahaa” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ujeedka uu yahay in laga doodo qaabka wax looga beddelayo dastuurka, maadaama horay loo ansixiyay habraaca wax looga beddelayo.

“Ujeedada waxa ay tahay, maadaama waqti xasaasi ah lagu jiro in barnaamijka wixii waajibaadkeenna ah aan u gudano sida uu na faraayo dastuurka” ayuu yiri Aadan.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay xildhibaannada ay si wanaagsan uga doodaan qodobadan xasaasiga ah, maadaam lagu jiro xilli adag, loona baahan yahay dhameystirka dastuurka.

“Qodobada na horyaalla aad ayay muhiim u yihiin xildhibaannada waxaan leeyahay aan u diyaar-garowno shaqadaan adag” ayuu sii raaciyay guddoomiyuhu.

Intaas kadib waxaa bilaabatay doodda xildhibaannada oo si weyn ugu kala aragti duwan ajendaha kulanka.

“Ajendaha waan wada aragnay waa arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka maan garanin, haddii ay doodda ku saabsaneyso dastuurka ajendaha halaga dhigo arrimaha wax ka beddelka dastuurka” ayuu yiri xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAbwaan dhowr cisho kahor soo bandhigay buug uu ka qoray xaaladda Somaliland oo xabsiga la dhigay
Next articleNabadoon iyo waardiyihii oo lagu Dilay Muqdisho iyo Ninkii Dilay oo La qabtay