Home Wararka Maanta Nabadoon iyo waardiyihii oo lagu Dilay Muqdisho iyo Ninkii Dilay oo La...

Nabadoon iyo waardiyihii oo lagu Dilay Muqdisho iyo Ninkii Dilay oo La qabtay

0

Nin ku hubaysnaa Bastoolad ayaa Dilay Nabadoonkii beesha Gaaljecel Nabadon Muuse Haaruun Aadan (Muse maquni )& waardiyihiisii oo lagu magacaabi jiray Nuur dheere  Dilkaan ayaana Ka Dhacay Degmada Dayniile.

Balse Waardiyaha Oo Dagaalamay ayaa Sababay inuu Asna Dhaawac Gaarsiiyo ninkii Alshabaabka ahaa ee Soo Weeraray intaas kadib Wardiyaha iyo Nabadoonka ayaana ku Geeriyooday Goobta.

Ninkii Dilka gaystay oo ka Tirsanaa Alshabaab ayaana Asagoo dhaawac ah ku Baxsaday Mooto Bajaaj kadibna Bajaajtii ayaa Ku dhex tuuurtay meel Dad joogaa asagoo aan wadan Wax Hub ah.

Bajaajtii ayaana Ka Baxsatay Goobta ay ku Tuurtay Ninkaan Dhaawac ahaa Dadkii ku sugnaa Goobta ayaana Wacay ciidamada amaanka Si loo Qaado Qofkaan dhaawac ah Balse Ciidamadaan oo Haayay Xogata Dilka ayaa ugu Danbayn Soo Qaaday Alshabaabkii dhawac ahaa ee Dilay Nabadoonka Iyo Waardiyihiisa.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho kuleh kulan aan Caadi ahayn
Next articleLa-taliyihii Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Gedu oo Baxsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here