Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Xalay Muqdisho Weerar ka Gaystay

Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Xalay Muqdisho Weerar ka Gaystay

0

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe weerar qorsheesan ku qaaday koontarool ay joogeen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya, oo yaallay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir  .

Koox hubeesan ayaa mar qura rasaas ku bilaabay koontarool ay joogeen askar tiro yar oo katirsan ciidanka dowladda, koontaroolkan ayaa ku yaallay halka lagu magacaabo Tiida ,gaar ahaan waddada dheer ee isku xirta Dayniile iyo Daarusalaam.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in weerarka Al Shabaab ku dileen afar askari oo ku sugneed koontaroolka, waxaana la sheegay kooxdii weerarka geesatay in ay horey usii qaateen qoryihii askarta ay dileen kana baxsadeen goobta.

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo gaaray koontaroolka la weeraray ayaa dabagalay kooxdii weerarka geesatay, wararka aan helnay ayaana sheegaya in ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan raggii weerarka gestay.

Ad
Previous articleCiidanka Danab oo Weerar Culus ku Qaaday Deegaan ka Tirsan Galmudug
Next articleMadaxweyne Ruto oo ka hadlay Dibad baxa ay qorsheeyeen Mucaaradka Digniin adagna diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here