Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Degaano Hor leh oo Galmudug ah ...

Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Degaano Hor leh oo Galmudug ah Galabtay Laga saaray

0

Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay Tuulada Ceel Cali Xasan oo hoostagta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 3aad ee qaybta 27aad Ibraahim Yuusuf iyo Taliyaha Guutada 4 ee Qaybta 27aad ee xooga dalka ayaa sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulooyinka uu ka socdo howlgalka.

Khawaarijta oo u adkeeysan waysay cududda ciidanka xooga dalka iyo dadka deegaanka ayaa baneeyay in kabadan 20 fariisin oo ay ku lahaayeen deegaanada hoostaga Magaalada Galcad.

Howlgalka lagu xoreeynayo deegaanadaan waxaa qayb ka ah Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Axmed Maxamed Cali Afcadeey iyo masuuliyiin kale.

Ad
Previous articleQarax ka dhacay Maraykanka oo ay nafwaayeen 18,000 kun oo neef
Next articleDowlad weyn oo dad Muslimiin ah kahor istaagtay in ay soomaan Bisha Ramadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here