Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Alshabaab oo Dagaal Culus ku dhexmaray Jilib

Wararkii ugu Danbeeyey Alshabaab oo Dagaal Culus ku dhexmaray Jilib

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyay maleeshiyaad kala taabacsan, Amiirka Guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda iyo Madaxa amniyaadka ee kooxda Mahad Warsame oo loo yaqaano Karataay, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Qoraal ay soo dhigtay wasaaradda barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in dagaalamayaal la kala safan horjoogayaashan ay ku dagaalameen degmada Jilib iyo sidoo kale deegaanka Hargeysa Yarey oo ka wada tirsan gobolka Jubada Hoose.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dagaalkaas uu khasaare lixaadleh kasoo gaaray Al-Shabaab dhexdeeda, ayna weli xaaladdu tahay mid cakiran.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in dagaalka uu daba socday xariga ay kooxda u gaysatay maleeshiyaad taabacsan garabka Mahad Karataay oo kamid ah xubnaha sar sare ee isla Al-Shabaab, kaas oo kasoo muuqday howlgalladii u dambeeyay ee kooxda

Wararka ayaa sheegaya in khilaafka labada nin uu muddo dheer soo taagnaa, balse ay qarineysay kooxda, waxaana ay isku qabteen arrimo la xiriira maaliyadda.

Intaasi kadib Abuu Cubeyda ayaa isku dayay inuu xilka ka qaado Mahad Karataay oo isugna ka biyo diiday tallabadaas, taas oo dhalisay xiisadda ka dhex qaraxday Al-Shabaab, sida ay ku warramayaan ilo dhanka sirdoonka ajh oo soo dusiyay xogta khilaafka haatan qarxay.

Dagaalkan ka dhacay aagga degmada Jilib ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan kooxda wajaheyso guluf culus oo ay ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo bilihii u dambeeyay Al-Shabaab ka saaraan deegaano ku yaalla Galmudug & HirShabelle.
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan shiikh oo u ambabaxay Dalka lagu Tababaray Ciidan Soomaaliyeed
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay in Hogaankii Dagaalka Galmudug uu ku wareejiyay Qoor Qoor Xili uu kasoo Guuray dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here