Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ku dhawaad 30 ka tirsan kooxda Al-shabaab maanta lagu dilay howlgal ay ciidamada xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ka sameeyeen deegaanka Faarax Aadan, kaasoo ku fiday deegaanka Wadaariq oo Al-shabaab ay ku laheyd saldhig weyn.
“Dagaal culus oo saacado badan socday ka dib ciidamada ayaa halkaas ku jabiyay kooxda khawaarijta ah, waxeyna ka sareen godadkii ay ku dhuumaleysanayeen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka Galmudug oo sidan hoose u qornaa.
Koonfurta Gobalka Mudug Ayaa Maalmihii Lasoo Dhaafay Waxaa kasocday Dagaal Culus oo Alshabaab Gooba Badan looga Saaray Askar Badana Looga Dilay
Ad