Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Abaabul Dagaal oo Ka Socda Gobalka Mudug iyo ...

Wararkii ugu Danbeeyey Abaabul Dagaal oo Ka Socda Gobalka Mudug iyo Alshabaab oo inta Badan ka Baxay Deeganada Galmudug

0

Abaabul Dagaal oo Ka Dhan ah kooxdaKhawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa ka socda Degmooyinka Wisil iyo Hobyo kuwaas oo u Dhexeeya Hogaanka Beesha Sacad, Wasiirka Amniga Galmudug, Taliyaha Ciidanka Lugta, Daraawiishta Galmudug, Taliyaasha Ururada Danab iyo Gor Gor. Kulamadaan ayaa Diiradda Lagu saarayaa Qorshaha Howlgalka Xoreynta Degaanada Koonfurta Mudug.

Kulamadaan Ayaa waxaa Dib uga soo biiray Taliyaha Qeybta 21-aad Xasan Jaamici oo kusoo Fashilmay Hogaaminta Dagaalkii Aagga Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka Lugta ayaa Balan qaaday In Hogaanka Howlgalkaan ay iska Kaashanayaan Dowladda Federalka iyo Beelaha Daga Galmudug gaar ahaan kuwooda Xorta ah.

Maalmahaan ayaa La filayaa inuu Dib u bilowdo Dagaalkii Ka Dhanka Ahaa Alshabaabka Kusugan Galmudug kuwaas oo Lasheegay inay Ka Baxeen Inta Badan Fariisimihi ay ku Lahayeen Deegmada Galmudug.

Lama Filaayo inay Ciidamadaan Huwanta ah ay la Kulmi Doonaan Dagaalo Culus oo iska Caabin ah Alshabaab ayaana Ku jabay Dagaalo Badan oo ay ku galeen Shabeelada Dhexe iyo Hirshabeele.

Ad
Previous articleDowladda Kenya ayaa maanta qaaday tallaabo u muuqata inay aqoonsatay Somaliland
Next articleCiidamada PSF ee Puntland oo Soo Gaaaray Degmada Wisil Xili Dagaal Culus Alshabaab lagu Qadaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here