Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe duqeymo xoogan ay ka dhaceen koonfurta gobolkaasi, gaar ahaan halka loo yaqaano Jeex-jeex oo ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.
“Howlgalku wuxuu ka dhacay meel ay Khawaarijta isku uruursanaayeen, laakiin ciidamadu aysan u dhoweyn markaas oo ku taal koonfurta deegaanka Jeex-jeex” ayuu yiri sarkaalka.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Wuxuu ahaa howlgalka mid cirka ah oo kaliya, waxaana iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah”.
“Khasaare aad u baahsan ayaa gaaray kooxda, sida naloo xaqiijiyay illaa 46 kamid ahaa Khawaarijta ayaa meeshaas ku naf waayey” ayuu yiri sarkaalka Macawiisleyda ah.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in la burburiyay saldhiggii ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, kaas oo uu tilmaamay inay ka difaacayeen deegaanka Jeex-jeex.
Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta.
Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada maamulka Galmudug.