Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyay Xiisadii ka jirtay Muqdisho iyo Dowlada oo ka hadashey...

Wararkii ugu danbeeyay Xiisadii ka jirtay Muqdisho iyo Dowlada oo ka hadashey Weerarka Saadaq Joon

0

Xiisada dagaal ayaa waxaa xalay laga dareemay Xaafada Shiirkole ee degmada Hodan, waxaana ay ka dambeeysay kadib markii Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) uu dib ugu laabtay xaafadaas.

Ka hor inta uusan ku laaban Saadaq Joon Xaafada Shiirkole aya Xildhibano ka tirsan golaha Shacabka waxaa ay sheegeen in Ciidamo la dul-dhigay guriga uu ka deganaa agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, taas oo keentay in uu isaga guuro.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo farabadan geeysay wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Xaafada shiirkole, waxana Xaafadaas ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Saadaq Joon loogana soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo farabadan geeysay wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xaafada Shiirkole, kuwaas oo koontoroolayay dhaq dhaqaaqa Gawaarida galeysa Xaafadaas iyo kuwa ka baxaya.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo kala ah, Cabdiraxmaan Odawaa, Mahad Salaad & Saabir Shuuriya oo tegay Hooyga Saadaq Joon ayaa dowladda ku eedeeyay inay dooneyso inay weerarto Saadaq Joon,waxaana ay sheegeen inay difaacayaan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Amniga  Xasan Xundubeey Jimcaale oo xalay Saqdii Dhexe Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in xilligaan aysan jirin qorsho lagu weerarayo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ( Saadaq Joon).

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda hadii ay ugu talo gasho ay marhore soo afjari karta Saadaq Joon balse uusan jirin weerar lagu yahay, waxaana uu ka digay in Colaad laga huriyo Magalada Muqdisho.

Waa markii labaad oo xiisad dagaal laga dareemao xaafada Shiirkole ee degmada Hodan, halkaas oo uu fariisin ka dhigtay Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ( Saadaq Joon).

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Sheegay in Farmaajo uu Dalka ku rigay God
Next articleWariye, Hooyadiis iyo Walaashiis oo ku geeriyooday Gobolka Nugaal