Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii ugu Danbeey Dilka Macalin Mowliid oo Macalin Dugsi ahaa

Wararkii ugu Danbeey Dilka Macalin Mowliid oo Macalin Dugsi ahaa

0

Xaafada Xaawa-taako ee Magaalada Beledweyne waxaa lagu dilay caawa Shiikh Macalin ka ahaa mid ka mid ah Dugsiyada Quraanka lagu barto ee magaaladaas ku yaalla.

Shiikhan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Macalin Mowliid ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday

Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga magaalada Beledweyne ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, kuwaasoo howlgallo baaritaano ah sameeyey inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada raggii dilka geystay.

Weli lama oga cida ka dambeysa dilka caawa Magaalada Beledweyne loogu geystay Macalinka, inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab laamaha Amniga iyo Maamulka Magaalada Beledweyne ayaan sidoo kale weli ka hadlin.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Magaalada Beledweyne ay Kooxo  hubeysan ay Magaalada Beledweyne kudileen Nabaddoon kamid ahaa Ganacsatada Magaalada Beledweyne.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo soo saartay War-Saxaafadeed qodobo kala duwan looga hadlay
Next articleDoorashada kursiga HOP86 ee loo Diiday Fahad yaasiin oo loo soo wareejiyey Muqdisho iyo Xiisad Wali ka Taagan kursigaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here