Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii ugu Dambeeyay Shirka Dhuusomareeb iyo Arinta Gobolka Gedo oo is faham...

Wararkii ugu Dambeeyay Shirka Dhuusomareeb iyo Arinta Gobolka Gedo oo is faham laga gaaray

0

Waxaa maalintii labaad magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ka socda shirka Wadatashiga madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka .

Shirka ayaa saacadihii lasoo dhaafay diirada lagu saarayay qodobo xasaasi ah ay kamid tahay khilaafka u dhaxeeya Dowlada federaalka iyo maamulka Jubbaland gaar ahaan xiisada ka taagan gobolka Gedo .

Madaxda Dowalada federaalka iyo madaxda maamulada ayaa wadahadalo saacado badan socday kadib isku soo dhawaansho ka gaaray arinta gobolka Gedo oo si weyn isugu hayaan Dowlada Federaalka iyo Jubbaland.

Sida aan xogta ku helnay arinta gobolka Gedo gaar ahaan gacan ku heynteeda iyo doorashada ka dhaceysa Garbahaarey ayaa xalinteeda loo saaray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle .

Qodobada la isku fahmay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah in magaalada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo la geeyo ciidamo katirsan Booliiska AMISOM sidoo kale kaalin ku yeelato Jubbaland maamulka magaaladaasi.

Shirka wadatashiga arimaha doorashada ee ka so0cda magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa wali jira qodobo kale oon wali heshiis laga gaarin halka qodobada qaarna madaxda ka gaareen isfaham hoose.

Gabo gabada shirka hadii dhinacyada Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada  ay xaliyaan khilaafka u dhaxeeya la filayaa in ay soo saaraan War Murtiyeed wadajir ah oo ku aadan qodobada lagu heshiiyay

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleChelsea oo Gudbisay 25-ka Xidig ee uga qeyb galaya koobka Champions League
Next articleAkhriso:- Beesha caalamka oo dhowr qodob uga digtay madaxda ku Shirsan Caasimada Dhuusamareeb