Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Marinka GAZA

Wararkii ugu dambeeyay Marinka GAZA

0

Shidaalkii ugu horreeyay ee Gaza ku socda tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ayaa kasoo tallaabay xudduudda Masar.

Shidaalkan ayaa la sheegay inuu ku socday hay’adaha Qaramada Midoobay, laakiin wax badan oo culeys ah kama dulqaadi doono caqabadaha shidaal la’aanta ah ee heysta dadaallada gargaarka bini’aadannimo ee Gaza.

Illo bini’aadantinimo ayaa sheegay in Israa’iil ay oggolaatay keenista shidaalkan, kadib markii ay oggolaatay 24,000 litir (6,340 gallon) oo shidaal ah oo loogu tala-galay baabuurta qaybinta gargaarka Qaramada Midoobay, iyada oo aan loo isticmaaleyn isbitaallada.

“Shidaalkan waa 9% oo kaliya shidaalka aan u baahanahay maalin kasta si aan u sii wadno hawlaha nafta lagu badbaadinayo,” ayuu yiri Tom White, oo ah agaasimaha Hay’adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Qaxoontiga ku yiri bartiisa X.

Guddoomiyaha guud ee hay’da caawinta qaxootiga Falastiin ee UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa yiri: “Hawl-galkeenna oo dhan hadda wuxuu qarka u saaran yahay inuu istaago.” “Waa wax laga naxo in shidaalka loo sii isticmaalo hub dagaal.”

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in shidaal la’aanta matoorrada isbitaallada, bixinta biyaha, qeybinta gargaarka iyo isgaarsiinta iyo sidoo kale qaybinta saadka gargaarka ay gacan ka geysatay xaaladaha sii xumaanaya ee 2.3 milyan ee deggan Gaza.

Gargaarka ayaa Masar uga soo gudbayay Gaza ilaa 21-kii Octobar, balse Israa’iil ayaa diiday in shidaal lasoo gudbiyo, iyada oo sheegtay in Xamaas ay u adeegsan karto in lagu huriyo dagaalka ka dhanka ah Israa’iil.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleShir looga Hadlaayay Ka hortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada oo Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey ninkii Soomaaliga ahaa ee xaaskiisa ku Dilay hoteelka ay u dalxiis tageen ee ku yaala Turkiga kana Hadlay Sababta uu u Dilay