Home Wararka Maanta Shir looga Hadlaayay Ka hortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada oo Muqdisho lagu...

Shir looga Hadlaayay Ka hortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada oo Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)

0

Wasiirka Maaliyadda DFS oo shir Guddoomiyay
kulanka Guddiga Qaran ee Ka hortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada

Muqdisho, November 16,2023: Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Guddiga Qaran ee Kahortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada oo ay xubno ka yihiin hey’adaha Dowladda ee ka shaqeeya Dhaqaalaha iyo Amniga.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga XFS, Wasiirka Ganacsiga, Taliyaha Hey’adda NISA, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaliya iyo Agaasimaha Xarunta Warbixinada Maaliyadeed ee FRC.
Shirkaan ayaa diirada lagu saaray dadaalada istaraatiijiyadeed ee Dowladda Soomaaliya ee lagula dagaalamayo lacagaha sharci-darada ah iyo maalgelinta argagixisada oo dhib badan ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Dhammaan xubnaha Guddiga waxa ay xoojiyeen ballan qaadkooda ku aadan in si dhaw loo wada shaqeeyo si loo ilaaliyo hey’addaha iyo bulshada Soomaaliyeed. Nidaam Maaliyadeed oo hufan walibana xoogan wuxuu daruuri u yahay in dalku helo maalgashi caalami ah, la xaqiijiyo amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.

Ad
Previous articleGabar Soomaali ah oo Dalxiis u Timid Dalka Turkiga oo Meydkeeda laga Helay Hotelkii ay Daganayd
Next articleWararkii ugu dambeeyay Marinka GAZA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here