Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Gurceel ee Saaka Iyo Goobaha lakala Joogo

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Gurceel ee Saaka Iyo Goobaha lakala Joogo

0

Dagaalkii xooganaa oo muddo 12 saac xiriir ah socday una dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ahlusunna ayaa  iskiis u istaagay.

Labada dhinac ayaa dagaalka dhexmaray oo aad u xooganaa waxa uu sababay Qasaaro badan oo dhimasho iyo Dhaawac ah waxaana Ahlusunna iyo Dowladda uga geeriyooday Saraakiil iyo Ciidamo badan lama xaqiijin wali tirakoobka rasmiga ee qasaaraha lkn xogta heshay Warbaahinta Galgaduud waxaa labada dhinac uga dhintay in kabadan 60 dagaalamayaal halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Goobaha ay labada dhinac Saaka kala joogaan ayaa kala ah.

Ciidamadda Dowladda waxa ay ku suganyihiin Saldhiga Booliska, Xarunta Degmadda, Beder 1 iyo dhamaan xaafadda dhaca koofurta degmadda Guriceel.

Ciidamadda Ahlusunna ayaa iyaguna ku sugan inta Xaafaddaha dhaca Waqooyiga degmadda Guriceel sida Tuullo Gaban, Ceel Abshir, Ceel Cali Faarax ilaa halka loo yaqaan Jaamacadda ee dhacda Waqooyi Bari degmadda Guriceel.

Dhinacyadda dagaalamay ayaa kala hellay Gurmadyo, waxaana aad looga cabsi qabaa in Berri labada dhinac dhexmari karo dagaal culus oo kii maanta oo kale ah.

Magaaladda ayaa cidlo ah oo dadka Shacabka ay faarujiyeen, waxaa sidoo kale maalintii sadaxaad xirnaa Goobaha Waxbarshadda iyo Ganacsiga halka xarumaha Caafimaadka qaarkood ay dhibaato kasoo gaartay dagaalkii maanta dhacay

Ad
Previous articleCiidanka Ahlu-suna oo Dib ula Wareegay Deegaanka Guriceel ee maanta laga Saaray
Next articleSawiro: Galmudug oo soo Bandhigtay Ciidan Ahlu-suna oo Dhaawac ah iyo Kuwa Kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here