Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka xooggan ee Sudan gilgilay oo maalintii Saddexaad...

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka xooggan ee Sudan gilgilay oo maalintii Saddexaad galay

0

Iska hor imaad ba’an ayaa laga soo sheegayaa guud ahaan dalka Suudaan iyadoo dagaalka dhaxeeya kooxaha hubeysan ee iska soo horjeeda uu sii fidayo.

Rabshadaha u dhexeeya ciidanka iyo koox dabley ah oo lagu magacaabo Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee loo yaqaan RSF ayaa socda ilaa habeenimadii xalay kaas oo galay maalintii saddexaad.

Ku dhawaad ​​100 qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta, waxaana sidoo kale la qiyaasayaa in tirada dhaawaca ay gaareyso 1,100 qof.

Labada dhinac ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Khartoum, halkaas oo ay dadku ka gabbadeen qaraxyada iyo hubka cul- culus ay adeegsanayaan dhincyada isku haya awoodda Suudan.

Gelinkii hore ee Axadii shalay ahayd ayaa waxay sameeyeen xabad joojin ku meel gaar ah si dhaawacyada la daadgureeyo, inkastoo aysan cadeyn sida ay u adeeceen xabad joojintaas.

Dhakhaatiirta ayaa ka digay in xaalada isbitaalada magaalada Khartoum ay tahay mid aad u adag, isla markaana dagaalku uu yahay mid joojinaya shaqaalihii iyo agabkii caafimaadkaba in la gaarsiiyo dadka dhaawaca ah.

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la
Ad
Previous articlesiyaasi Axmed Atiiq iyo walaalkii oo loo toogtay ayagoo TVga toos uga Hadlaaya
Next articleHowlgal ay ka qeyb qaadanayaan Diyaarado Dagaal oo ka socda gobolka Hiiraan iyo Cali Jayte oo ka Hadlay(Sawirro)